Dowladda Kenya oo shaacisay inay dishay lixdan ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Nairobi (SMN) – Ciidamada Kenya ayaa deegaanada u dhaxeeya Lamu iyo Tana  River ku dilay in ka badan 60 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo Kithure Kindiki.

 

Howlgalkaan oo dhacay maalinimadii shalay ayaa yimid,kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen 4 bas oo ay saarnaayeen in ka badan 200 oo rakaab ah.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen rasaastaasi, toban qof oo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii ciidamada Kenya ay ku baxeen shilkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo ka socda kaynta Boni, kadib markii  kooxahaasi lagu jabiyay dagaalka, isla markaa ay ku carareen dhulka howdka ah.

Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here