Dowladda Kenya oo sheegtay inay dishay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

NAIROBI (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaal culus oo Ciidanka Dowladda Kenya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

Dagaalkan saacado qaatay ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen ciidan roondo ka waday degaanka Ogorwen ee Magaalada Mandheera.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Resla Onyango, ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday, islamarkaana halkaasi ay ku dileen ugu yaraan 20 ka mid ahaa Al Shabaab.

Afhayeen Resla ayaa carabka ku adkeeyay in gacantooda uu ku jiro sida uu sheegay hub isugu jira kuwa culus iyo kuwa fudud ay ka furteen dagaal yahanada Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in 8 ka mid ah Ciidanka Booliska uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan intii uu socday dagaalkii ay la galeen Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in askarta dhaawacan haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla Mandheera, balse loo duulin doono Magaalada Nairobi si buu yiri loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Maalin ka hor, wasiirka arrimaha gudaha, Kithure Kindiki, ayaa ku dhawaaqay in dib u furista xudduudka dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay dib u dhacayso, sababo la xiriira walaaca laga qabo khatarta sii kordheysa ee ka iman karta Ururka Al Shabaab.

Kenya ayaa markii hore qorsheyneysay inay dib u furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo lagu dhawaaqay 15-kii bishan May, taasoo ujeedkeedu ahaa sidii la isugu firi lahaa isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Weeraradii ugu dambeeyey ee Al Shabaab ay ka geysteen Gobolka Waqooyi Bari ayaa ku kalifay inay dawladdu dib u eegis ku sameyso go’aankeeda oo ay mudnaanta siiso amniga muwaadiniinta.

Al-Shabaab ayaa weeraro badan ka geystay gudaha dalka Kenya kadib markii ay kasoo gudbeen xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan.

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sannadkii 2015-kii ayaa weli ah mid ka mid ah falalkii ugu xumaa ee ay ka geystaan dhulka Kenya, halkaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 130 arday.

Si-kastaba, Doorashadii Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto kadib, hoggaanka Al Shabaab ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan weeraradooda haddii Xukuumadda Nairobi aysan Ciidankeeda kala bixin gudaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here