Dowladda Masar oo xaqiijisay inay hub culus usoo dirtay Soomaaliya

0

QAAHIRA (SMN) – Dowladda Masar ayaa xaqiijisay inay shixnado hub ah u soo dirtay Soomaaliya iyadoo ay jirto xiisad gobolka ka taagan oo ka dhalatay heshiiska badda muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland horaantii sanadkan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa sheegay in hubka uu yahay mid ay ugu tala-galeen in lagu xoojiyo awoodda Ciidamada dowladda Soomaaliya. Wasiirka ma uusan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan noocyada hubka, balse muuqaallo baraha bulshada lasoo dhiay ayaa muuhinaya lidka diyaaradaha iyo gaadiidka gaashaaman inay kamid yihiin hubka kasoo degay maalin kahor dekada Muqdisho.

Tani waxay xaqiijinaysaa doorka Masar ee taageerada Soomaaliya ee sugida amniga, xasilloonida, iyo horumarinta tayada Ciidamada qalabka sida oo hadda ku jira dib u dhis, iyagoo loo diyaarinayo inay la wareegaan goobaha ay ka baxayaan askarta ATMIS.

Waa markii 2aad oo Masar ay hub usoo dirto dala Soomaaliya tan iyo bishii August ee sanadkan oo labo diyaaradood oo militeri ay hub kasoo dejiyeen garoonka Aadan Cadde. Labada dal ayaa dhawaan galay heshiis dhanka difaaca, kaasoo ka carsiiyay dowladda Itoobiya.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga ugu yaraan 3,000 oo askari, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee (ATMIS), iyadoo tiro lagu qiyaasay 5,000-7,000 oo askari ay ku sugan yihiin gobollo kala duwan oo dalka katirsan kuwaasoo ku howlgalaya heshiis amniga oo Soomaaliya iyo Itoobiye ka dhaxeeya.

Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay ka dib markii ay Itoobiya heshiiska sharci darrada ah la gashay Somaliland, kaas oo keenay in Masar ay diyaarado badan oo hub ah u soo dirto magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Al-Siisi uu sheegay in dalkiisa uu difaaci doono Soomaaliya, islamarkaana aan aqbali doonin in lagu soo xad gudbo madax-banaanidiisa, ama wax loo dhimo xasiloonidiisa iyo amnigiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan bisha December 2024, waxaana lagu bedeli doonaa illaa 10-kun oo askari oo ka socda Masar. khubarada ayaa ka digaya inay tani colaad dhaliso maadaama Masar iyo Itoobiya mudo 13 sano isku hayaan biyaha webiga Nile, iyadoo murankooda xal loo waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here