MUQDISHO [SMN] – Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guuleystay inay gubaan, qaarna soo furtaan dhammaan gaadiidkii dagaalka ee ay wateen Al-Shabaab-kii soo weeraray deegaanka Ceel Cali Axmed.
Hawlgalkan ayaa lagu xaqiijiyey inay ka guuleysteen maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo burburiyey gaadiidkoodii dagaal iyo hubkoodii, una suurto geliyey in Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay si buuxda u xakameeyaan aagga.
Ciidamada ayaa sidoo kale laayey horjoogayaasha Al-Shabaab iyo maleeshiyaadkoodii, waxaana sidoo kale la xaqiijiyey in firxadka dagaalku ay ku sii raad-joogaan Ciidamada, kuwaasoo maanta ka wada howlgallo culus qeybo badan oo kamid ah gobolka Hirshabeelle.
Tani waxay qayb ka tahay dadaalka lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dagaal geliyihii guud ee Maleeshiyaadka Khawaarijta, dhagarqabe Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) iyo hogaamiyaal kale ee dagaal gelinta u qaabilsanaa Khawaarijta, sida Daahir Buuxsade, Khaalid Jiis, Anas, iyo Casaam, ayaa lagu xaqiijiyey in lagu laayey deegaanka Ceel Cali Axmed.
Dagaalyahanada ayaa sidoo kale warbaahinta loo soo bandhigay, iyadoo muujinaysa guusha weyn ee ay gaareen Ciidamada iyo shacabka deegaanka.
Guushaan ayaa dhiirrigelin u ah Ciidamada Qaranka iyo bulshada deegaanka, iyadoo laga keenayo inay sii wadaan iska caabbinta Al-Shabaab iyo dhammaan kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka.