Dowladda oo ka hadashay Howlgallo culus oo laga fuliyay Puntland

0

MUQDISHO [SMN] – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii ugu dambeeyay Ciidamada Puntland Buuraha Cal-Miskaad kula galeen Daacish, kaasoo sababay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

 

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa u qornaa sidan:

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo howlgallo culus saacadihii la soo dhaafay ka fuliyey buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa dilay in ka badan 40 ka mid ah Khawaarijta Daacish.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka ay howlgalkaas ku dileen ay u badnaayeen ajaanib, isla markaana ay jiraan dhaawac badan oo soo gaaray argagixisada.

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada meydadka Khawaarijtii lagu dilay howlgalka, iyadoo Ciidamadu ay la wareegeen gacan ku heynta dhammaan goobihii howlgalkaas ay ka fuliyeen.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in Ciidamada geesiyaasha ah ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta naf la caariga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here