Dowladda oo Sii Daysay Nabadoon Xuseen Xaadoole Kadib 33 Maalmood oo Xabsi ah

0
Displaced Palestinians move with their belongings along the sea shore near the al-Nuseirat area in the central Gaza Strip, on Sept. 25, 2025. (Photo by Rizek Abdeljawad/Xinhua)

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xorriyaddiisa ugu celisay Nabadoon Xuseen Xaadoole, oo ka mid ah cuqaasha Soomaaliyeed, kadib 33 maalmood oo uu xabsiga ku jiray.

 

Nabadoonka ayaa lagu xiray kadib markii uu si cad uga dhiidhiyey barakicintii dowladda ka geysatay dad shacab ah oo deganaa dhulal danta guud ah, iyadoo aan loo turin xaaladooda bani’aadannimo.

Nabadoonka markii uu xabsiga ka baxay, waxaa si diirran loogu soo dhoweeyey Hoteel Jazeera, halkaas oo munaasabad ay ku qabanqaabiyeen madaxda Samatabixinta Soomaaliyeed lagu maamuusay.

Isagoo warbaahinta la hadlayey, Nabadoon Xaadoole wuxuu caddeeyey in uusan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkiisa mucaaradnimo ee ku saleysan difaaca xuquuqda shacabka. Wuxuu yiri:

“33-da maalmood ee aan xiran yahay, waxey ila mid ahayd 33 daqiiqo – ficiladaasina marnaba iima noqon doonaan kuwo i cabsi geliya.”

Nabadoonka ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku booriyey inuu dalka ka hirgeliyo doorasho lagu wada heshiiyey, haddii kale uu dalka u horseedi karo dib-u-dhac siyaasadeed iyo burbur.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu dalka ka qabto doorasho heshiis lagu yahay, haddii kale wuxuu dalka dib ugu noqon karaa burburkii laga soo gudbay,” ayuu yiri Nabadoonka.

Xorriyadda Nabadoon Xaadoole ayaa imaneysa xilli xasaasi ah oo ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo la xiriira caburinta xorriyadda hadalka iyo cadaaladda bulshada rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here