Dowladda Sacuudiga oo Soomaaliya ku amaantay adeegga Xujeyda

0

RIYAD (SMN) – Ka dib markii dhawaan dowladda Sacuudigu shaacisay in Soomaaliya ay kaalinta 5-aad ka soo gashay dalalka sanadkaan sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda ayaa maanta waxaa xafiiska Arrimaha xajka dowladda Soomaaliya ee Magaalada Makkah ka qabsoomay shir arrintaas ku saabsan.

 

Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda bicisada dowladda Soomaaliya iyo Guddi wasaaradda xajka dowladda Sacuudiga ay u xilsaartay qiimeynta dalalka muteystay abaalmarinta, waxaana Soomaaliya si rasmi ah loogu wargaliyay inay musharax u tahay jaa’isadaan oo noqoneysa markii ugu horreeyey ee Soomaaliya soo gasho liiska musharixiinta.

Madaxa xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Xaaji daahir ayaa faah faahiyey muhiimadda kulankaan, wuxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan howlaha adeegga Xajka, isagoo dhinaca kalena sheegay in  in qiimeynta oo labo mar la sameeyo ay Soomaaliya ku soo baxdey Liiska koobaad ee gaaban.

“ Waa arrin aad loogu farxo in aan soo galno liiska Wadamada ugu horeeya, taasi waxa ay ku timid dadaal aanu sameyney” ayuu yiri Khadar.

Guddiga ayaa si uu ugu kuur galo adeegyada dowladdu u qabatay xujeyda Soomaaliyeed, waxaa uu booqday Hotelada la dajiyay xujeyda, Isbitaalada loogu adeego xujeyda iyo xafiisyada hoos yimaada Xafiiska Arrimaha Xajka.

In Dowlada Soomaaliya ay safka hore ka gasho Qiimeynta Wadamada safka hore kaga jira wadamada sida wanaagsan u nidaamiyay xujeydooda ayaa ku soo beegmey, xilli wasaarada diinta iyo Awqaafta dowlada federaalka Soomaaliyeed ay waqti hore bilowdey abaabulka howlaha Xajka, taasi oo keentey in dowlada Sacuudiga ay ku amaanto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here