Dowladda Soomaaaliya oo war kasoo saartay geerida madaxweynaha Iran

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay galbeedka dalka Iran.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 ka mid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimillada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah ee gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Azerbaijan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Madaxweyne Ibraahim Raisi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here