Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay dagaalyahanada Al-Shabaab

0

MUQDISHO [SMN] – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya, Abuukar Sheekh, ayaa maanta ka hadlay xaaladda dhalinyarada ku biiray kooxda Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursada cafiska ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u fidiyay.

 

Abuukar Sheekh ayaa sheegay in dhalinyaradu ay qalad weyn galeen markii ay ku biireen Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyay in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku dhex milmeen dhaqanka iyo caqiidada dadka Soomaaliyeed, taasoo sababtay in dhalinyaro badan ay ku khaldamaan.

“Waxaa muhiim ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay fahmaan in fursad ay u heystaan inay ka baxaan gacanta Al-Shabaab, isla markaana ay ka faa’iideystaan cafiska Madaxweynaha. Waa fursad taariikhi ah oo lagu badbaadin karo noloshooda, iyagoo dib ugu soo laaban kara bulshada si wax ku ool ah,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay la daalaa dhacaysay argagixisada Al-Shabaab, waxaana madaxda dalka ay ku baaqayaan in la joojiyo taageerada kooxahaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay siiso cafis dhalinyarada ku biiray kooxdaas ee muujinaya rajo iyo niyad samid.

Wasiiru Dowlaha Abuukar Sheekh ayaa ugu dambeyntii ku booriyay dhalinyarada inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo nabadda dalka, iyo inay ka fogaan Al-Shabaab iyo fikradahooda halista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here