MUQDISHO [SMN] – Saacadihii lasoo dhaafay Ciidankii ugu badnaa oo katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay deegaanka Jaziira ilaa Afgooye, iyagoo aad u feejigan.
Waxaa la arkayay Ciidamada oo maraya deegaanada dhac duleedka Muqdisho iyaga oo u socda rax raxan baaritaanana ku sameenaya gaadiidka Noocyadiisa kala duwan.
Waxaa la sheegayaa in tani ay qeyb ka tahay sugida amniga Caasimada Ee Muqdisho si looga hortago weeraro kaga yimaada meelaha ka baxsan ee duleedyada.
Howlagaladan cidamada ay ka wadaan deegaanda duleedka ka ah Muqdisho ayaa waxaa bar bar socda kulamo looga hadlayo amniga caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Maamulada Degmooyinka iyo Hey’addaha Amaanka.
Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Hey’addaha Amniga, asigoona boogaadiyay guulaha laga gaaray Amniga oo ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka in la xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo ka hor imaan kara Amniga Caasimadda.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadida Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, asigoona kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamulada degmooyinka in ay si hufan oo ay kujirto daacadnimo iyo Alla kacabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday islamarkaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka loogu adeegayo.
Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.