KISMAAYO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diyaarado sida ciidamo ka dajisay garoon yar oo ku yaalla deegaanka Raaskambuuni ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ciidanka la geeyay halkaasi waxaa hoggaaminayo taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor, Korneyl Xasan Ciraaqi, waxayna fariisimo cusub ka sameysteen Raaskambuuni.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay fulin doonaan howlgal culus oo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe oo ay haatan is hayaan dowladda Soomaaliya.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qorshaynaysa in ay meesha ka saarto nidaamka Axmed Madoobe.
Tallaabadan milatari ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta lasoo gabagabeeyay doorashadii Jubbaland, waxaana markii saddexaad kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe.