MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si guul leh dib ugu soo celisay 173 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Libya, kuwaas oo dhawaan laga sii daayay xarumahaasi.
Hawlgalkan dib u soo celinta ayaa qeyb ka ahaa dadaallada dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dibadda.
Diyaarad sidday 151 qof, kuwaas oo intooda badan dhalinyaro ahaa, ayaa soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadka soo laabtay waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xigeenka labaad, Wasiirka Kuxigeenka Arrimaha Dibadda, wakiillo ka socda Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Soo Celinta Qaxootiga iyo Xuquuqda Carruurta, Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub, iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) oo kaalin weyn ka qaadatay howlgalka.
Sidoo kale, 22 qof ayaa si gooni ah loogu qaaday magaalada Hargeysa ee gobolka Somaliland, halka inta kale ay Muqdisho ku soo laabteen.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka dib u soo celinta uu yahay mid muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha guud ee dowladda Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta iyo daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan xaaladaha adag ee dibadda, gaar ahaan dadka ku xiran xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo si sharci darro ah.
Qaar ka mid ah dadka dib loo soo celiyay ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda soo noqdeen, iyaga oo uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ku badbaadisay noloshooda, iyagoo tilmaamay inay ku jireen xaalado adag oo caafimaad iyo mid nololeed labadaba ah xabsiyada Libya.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ayaa isna bogaadiyay howlgalka, isagoo sheegay in taageerada hay’adaha caalamiga ah ay sii socon doonto si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda ay helaan gargaar iyo dib-u-soo-noqoshada ammaan ah.
Howlgalka noocan oo kale ah ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya maadaama ay ka qayb qaadaneyso ilaalinta xuquuqda muwaadiniinteeda, sidoo kalena kor u qaadeyso amniga gudaha iyada oo soo celinaysa dadkii ku xirnaa xabsiyada dibadda.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo helo xal waara oo ku saabsan dhibaatada dadka Soomaaliyeed ee ku sugan xaaladaha adag ee dibadda.




