Dowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay shacabka degan dhulka Al-Shabaab

0

XARARDHEERE (SMN) –  Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee Macwiisleyda oo dhawaan ka soo baxay deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ayaa markii ugu horeysay ka hadlay deegaanada ay ciidamada ka soo baxeen waxa ayna digniin u direen shacabka deggan halkaasi.

 

Taliyaha ururka 3-aad ee ciidamada Gorgor Dhamme Cali Axmed oo ku sugan magaalada Xarardheere  ayaa sheegay in deegaanadii ciidamada ka soo baxeen ay dib ugu laaban doonaan.

Sidoo kale waxa uu digniin u diray shacabka degan deegaanada laga soo baxay iyo deegaanada kale ee dhaca koonfurta gobolka Mudug oo ay heystaan Al-Shabaab, waxaana uu kaga digay in ay sii daganaadaan deegaanadaas, maadaama ay duulaan ku yihiin.

Howlgalladii ka socday gobolka Mudug ayaa waxaa ku yimid hakad, ayada oo ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay soo baneeyeen deegaano koonfurta gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here