Dowladda Soomaaliya oo gargaar gaysay magaalada Laascaanood + Sawirro

0

LAASCAANOOD (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa gargaar bani’aadannimo oo loogu tala galay dadka nugul ee colaaduhu saameeyeen gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gargaarkaan oo gaaraya 500 oo tan oo raashin ah ayaa qeyb ka ah dadaallada gurmad ee hay’adda SoDMA u fidineysay shacabka Laasacaanood tan iyo markii ay billaawdeen dagaalladii ka dhacay magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ee SSC- Khhaatuumo iyo kan degmada Laascaanood ayaa hay’adda SoDMA uga mahadceliyey deeqdaan.

Ugu dambeyn Agaasimaha guud ee waaxda gargaarka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr Cabdirashid Maxamuud Xasan ayaa ka warbixiyay gargaarkaan, wuxuuna sheegay in hay’addu ay si wadi doonto u gurmashada shacabka ku dhaqan Laascaanood.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here