Dowladda Soomaaliya oo Guulo ka sheegatay dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho – Iyadoo uu dalka ka socdo dagaal culus oo lagula jiro Al-Shabaab, ayaa wararka ka imaanaya gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gaarsiiyeen jab weyn kooxdaas, iyadoo la dilay xubno badan oo katirsan Al-Shabaab.

 

Afhayeenka Wasaaradda difaaca, Sheekh Abuukar Maxamed Xasan, oo ka hadlayey howlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolladaas, ayaa sheegay in lagu dilay xubno sare oo katirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu baacsanayey gudaha tuulooyin iyo deegaano ay kooxda ku dhuumaaleysanayeen.

“Waxaan si gaar ah u xusayaa in howlgallada ka socda labada Shabelle iyo Hiiraan ay yihiin kuwa lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyadoo la beegsanayo xarumahooda iyo saraakiisha sare ee hoggaamineysa,” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaalladaasi ay qayb ka yihiin dadaalka joogtada ah ee dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer dhibaato ku haysay shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday dagaallo ballaaran oo ay ku beegsanayso Al-Shabaab, iyadoo deegaano badan lagala wareegay kooxda, inkastoo mararka qaar ay dib ugu soo laabtaan deegaanno qaar.

Waxaa socda qorshayaal lagu xoojinayo sugidda amniga iyo joogtaynta howlgalka, si looga hortago in kooxdaasi ay dib u abaabul sameyso. Dowladda ayaa shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan ciidamada si loo xaqiijiyo amni buuxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here