Dowladda Soomaaliya oo isafgarad la gaartay UN-Habitat

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS mudane Cabdisalam Cabdi Ali (Dhaay) iyo madaxa hay’adda UN-Habitat ee Afrika Mr Oumar Sylla ayaa gaaray heshiis is afgarad wadashaqeyn ah oo labada dhinac dhex mari doona, sida magaaleynta waarta.

 

Wasiir Cabdisalam Cabdi Ali (Dhaay) oo heshiiskan ku tilmaamey inuu hordhac uyahay heshiis rasmi ah oo dhawaan si rasmi ah uwada gaari doonaan Wasaaradda hawlaha guud iyo Un-Habitat kaas waxtar uleh dib udhiska Dalka.

Masuuliyiintii ka socdey UN-Habitat ayaa dhankooda soo dhoweeyey heshiiskan is afgarad ah oo ay la gaareeen Wasaaradda Howlaha guud iyagoo dhankooda ku tilmaamey mid labo jibaaraya howlaha baaxada leh ee ay ka wadaaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here