Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay eedeyn uga timid Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Hawada Soomaaliyeed ayaa waxaa loogo jawaabay Somaliland oo sheegtay in dowladda federaalka ay sameysay xadgudub dhanka hawada ah.

 

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay mas’uul ka tahay guud ahaan hawada Soomaaliya, isla markaana aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).

Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya  si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.

—Dhammaad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here