DF Soomaaliya oo ka laabatay go’aankii ay ku dalbatay in lagu xiro UNSOM

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka QM ee Soomaaliya, gaar ahaana UNSOM.

 

Dowladda Federaalka oo warqad u dirtay QM ayaa taas beddelkeeda waxa ay dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe ayaa lagu cadeeyay in ay diyaar u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka UNSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here