Dowladda Soomaaliya oo ku guulaystay in gabi ahaanba la joojiyay dhoofinta dhuxusha

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Dalkeena waxa dhibaato ba’an ku haya xaalufinta dhirta. Xaaladda deegaan ee dalkeenu ku suganayahy waa mid adag oo u baahan in cid kasta xil iska saarto dhawridda deegaanka iyo ka warqabkiisa, xaalufka dhirtu waa aafo deegaan taas oo sababta nabaad-guurka iyo u nuglaanta daadadka iyo abaaraha.

 

Dhirtu waxa ay muhiimad gaar ah u leedahay dadka, deegaanka iyo dhaqaalahaba, waxayna qayb weyn ka qaadataa bilicda deegaanka, ka hortagga nabaad guurka iyo isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada JFS waxa ay dadaal badan ku bixisay in wax laga qabto xaalufinta dhirta. Waxaa lagu guulaystay in gabi ahaanba la joojiyay dhoofinta dhuxusha.
Sidoo kale, waxaa la sameeyey wacyigelin ballaaran iyo dhiirrigelin ku aadan in la isticmaalo noocyada tamar kale ee aan deegaanka waxyeelo u laheyn. Waxaa kale oo socda dadaallo ku aadan dib-u-dhirayn si loo helo Soomaaliya Cagaaran.
Haddaba, Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa muhiimadda dhirtu u leedahay dalka ayaa waxay kulan la yeelatay, Wasaaradda Amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Kulanka oo looga tashaday dhibaatooyinka ba’an ee ka dhasha xaalufinta dhirta iyo sidii wax looga qaban lahaa iyada oo la raacayo shuruucda ilaalinta deegaanka.
Dastuurka KMG JFS waxa uu ahmiyad gaar ah siinayaa ilaalinta deegaanka oo ay dhirtu ka mid tahay. Qodobka 45aad ee dastuurka KMG, JFS waxa uu mudnaan siinayaa dhawrista deegaanka iyo qaadidda tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib u noolaynta iyo dhiraynta deegaanka.
Qodobka 52aad ee dastuurka KMG JFS waxa uu dhigayaa in Xukuumadda JFS iyo Maamul Goboleedyada ay iska kaashadaan la dagaallanka nabaad guurka iyo ilaalinta deegaanka. Intaas waxaa dheer, Qodobka 48aad faqradiisa 2aad ee Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka 2024, waxa uu mamnuucayaa jarista ama goynta kheyraadka dhirta.
Kulanka wada tashiga waxaa ka soo baxay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada iyo dhammaan muwaadiniintu ay ilaaliyaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta
deegaanka si loo helo deegaan bedqaba kaas oo muhiim u ah horumarka iyo mustaqbalka dalka.
Waxaa la farayaa bulshada iyo Ganacsatada in ay ka waantoobaan ka ganacsiga dhuxusha iyo jarista dhirta. Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed la ogeysiinayaa in aan la ogoleyn jarista dhirta qoyan isla markaana la ogolyahay oo kaliya in la jaro geedka Garanwaaga (Cali Garoobka).
Waxaa bulshada lagu boorrinayaa in ay isticmaalaan noocyada tamar kale ee aan deegaanka waxyeelo u geysanayn

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here