MUQDISHO [SMN] – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay wado qorshe ay ku doonayso in ay ku boobto doorashada qof iyo Cod ee madaxda qaranka ay sheegeen in dalka laga qaban doono.
Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah mid hub ka dhigis loogu sameenayo siyaasiyiinta Mucaaradka, kuwaasi oo hub badan ku dhex haysta magaalada Muqdisho.
Dhawaan Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada aan loo ogoleyn Hubka lagu dhex wato, balse kaliya loo ogolyahay boolis ku hubaysan Budad iyo Bastoolado.
Hadalkan ayaa si weyn waxaa uga carooday siyaaaiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo sheegay in ay tahay hanjabaad iyaga ku socota, aysanna aqbali doonin.
Siyaasiga lagu Magacaabo Maxamed Aadan Rukow ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladu ay doonayso in ay sameyso Boob Doorasho oo loo marayo qorshaha hub ka dhigista la shaaciyay. Wuxuu sheegay in aan la isku haleyn karin Amniga Muqdisho hadda.
Soomaaliya waxa yaalla hub fara badan oo gacanta ugu jira dowlada dhexe, dowlad goboleedyada, ganacsato iyo siyaasiyiin, iyadoo ay usii dheertahay Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal kawada gudaha Soomaaliya.
Nidaamka hub ka dhigista ayaa u baahan qorshe ballaaran oo lagu wada qanacsanyahay iyo Is-aaminaad, iyadoo looga baahan yahay Madaxda dowladda inay ka run sheegaan mas’uuliyadooda si dadka ay ugu kalsoonaadaan iyo in meesha laga saaro kooxaha hubaysan ee sida isku midka ah ula dagaalama Mucaaradka iyo Muxaafadka intaba.