Soomaaliya oo shaaca ka qaaday goorta la bilaabayo shidaal qodista dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabooyin is xigxiga u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxaana ay heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.

 

Cabdirsaaq Cumar Maxamed wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta dowladda ayaa sheegay in bisha September uu dalka imaan doono Markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo samaynaya sahankii u dambeeyey meelaha ku haboon in laga qodo ceelasha shidaalka.

Wasiirka ayaa xusay in horraanta sanadka 2025-ta la filayo in la bilaabo qodista rasmiha ah ee shidaalka, taas oo noqonaysa tallaabo wax ku ool ah oo looga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale Dr Cabdirisaaq ayaa xusay in Soomaaliya ay xubin ka noqonayso hay’adda caalamiha ah ee tamarta laga dhaliyo Nukliyeerka, (IAEA) taas oo faa’iido weyn u soo kordhinaysa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here