Dowladda Soomaaliya oo shaacisay dilka hogaamiyayaal katirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho, Agoosto 11, 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacyada hogaamiyayaal sare oo katirsanaa kooxda Al-Shabaab kuwaasoo lagu dilay duqeymo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Bariire iyo dhulka ku teedsan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Duqeymaha oo ahaa kuwo isugu jiray dhul iyo cir ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwa Uganda ee ka tirsan AUSSOM, iyo saaxiibada caalamiga ah. Howlgalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay si xoog leh ugu sugnaayeen deegaanka Bariire oo ay dhowaan qabsadeen.

Muuqaallo la duubay ayaa muujinaya sida ay u dheceen weerarrada cirka, iyadoo la arkayay guryo la duqeeyay iyo safaf dagaalyahano Al-Shabaab ah oo lagu dhuftay gantaallo culus, taasoo muujisay baaxadda khasaaraha laga gaaray kooxda.

Dowladda ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay kamid yihiin:

Xasan Malaay – Hogaamiyihii jugta culus u qaabilsanaa Al-Shabaab ee Bariire
Muxsin – Khabiir qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaab ee Bariire
Sayid Cali Maadeey “Goonka” – Qaraxyada Awdheegle u qaabilsanaa
Jaamac – Mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo raridda gaadiidka qaraxyada
Saabir – Taliye u ahaa maleeshiyaad gaaraya 400 dagaalyahan
Khaalid Booroow – Qaraxyada u qaabilsanaa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Bariire kadib dagaallo xoogan oo socday muddo toddobaadyo ah.

Wararka ka imaanaya halkaas ayaa tilmaamaya inaysan jirin waxba la iskula harin, iyadoo ciidamada ay si tartiib ah ugu sii siqayaan deegaanada kale ee weli gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, si loo xoreeyo guud ahaan gobollada dalka, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here