Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys oo ka hadlay howlgalkaas ayaa shaaca ka qaaday inay fuliyeen ciidamada dowladda iyo saaxibadooda caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay inay isku uruursanayeen deegaanka Baladul Amiin.

“Waqtigan aan idinla hadleyno wuxuu howlgal ka socdaa meesha la yiraahod Baladul Amiin oo gobolka Shabeelaha Hoose ka tirsan, halkaas oo ay Khawaarijta isku dayayaan inay weeraro ka fuliyaan, iskuna aruursanayeen, balse ay ka war heleen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Inta naloo soo xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay illaa labaatameeyo ka tirsanaa Khawaarijta, wixii dheeraad ah waa idinla socod siin doonaa”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhowaan uu bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo uu xusay inay ku soo biiraan ciidamo ka socdo waddamada dariska ah, gaar ahaan dowladaha Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here