Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha howlgal ka dhacay Galgaduud

0

MUQDISHO (SMN) – War qoral ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo ay xalay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka sameeyeen agagaarka deegaanka Ceel-La Helay ee gobolka Galgaduud.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah:-

Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna kamid ahaa xubno la baadi-goobayay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dadka deegaanka oo ay sheegtay inay weerarkaas kala shaqeeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here