Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lala xisaabtami doona dadka Colaada hurinaya

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka.

 

Cabdullahi Sheekh Ismaciil Fartaag, ayaa si adag u sheegay in lala xisaabtami doono dadka Colaadda hurinaya, isagoo ugu baaqey Culimada, Odayada dhaqanka, Waxgaradka in ay dhexda u xirtaan sidii loo joojin lahaa dagaalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri: “Hay’adda amniga ee Galgaduud iyo tan Maamulkuba wa inay ka shaqeeyaan sidii nabad loo dhex-dhigi lahaa beelaha dagaalamaya, sharcigana loo geyn lahaa kuwa hurinaya Colaadda”.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya kadib markii uu dagaal ka dhacay shalay magaalada Caabud-waaq, kaas oo ay ku dhinteen ilaa 4 ruux oo isugu jira dhicyadii dagaalamay iyo shacab halkaas ku sugnaa.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii uu khilaaf ka yimid dhismaha saldhiga booliska ee magaalada Caabud-waaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here