MUQDISHO [SMN] – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada guulo ka gaareen dagaallo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dowladda waxay sheegtay in Ciidanka ay dileen in ka badan 130 xubnood oo katiran Al-Shabaab, islamarkaana ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal, oo tiradooda la cayimin.