Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay 18 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

GALCAD (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Danab ka sameeyeen gobolka Galgaduud.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla-markaana lagu burburiyayu kayd ay hub ah, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Howlgalka ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta waxaana lagu burburiyay goobo Cadowga keyd u ahaa oo ay Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda ayaa shaaca ka qaadya in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 18 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa Galcad iyo Bud-bud.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here