Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay 160 ka tirsanaa Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha, isaga oo uu wehlinayay ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladaas jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, kuwaas oo ka kala dhacay HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in xadka Galgaduud iyo Sh/ Dhexe lagu dilay illaa 100 ka tirsanaa Al-Shabaab, 60 kalena lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hub iyo saanad ku soo furteen howlgalladaas oo  si gaar ah loogu beegsaday Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu sheegay in guulahaan ay horseed u yihiin qorshaha ciidamada Soomaaliya ay amniga ugala wareegayaan howlgalka ATMIS.

Hadalkan ayaa kusoo adayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay haatan isku diyaarineyso wajiga 2-aad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo xoogiisa ka dhaci doono Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana dagaalka ku soo biiri doono waddamada dariska ah, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here