MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay qaraar ay ansixiyeen xubnaha Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo Soomaaliya dib ugu soo celinaya lahaanshaha buuxa iyo madaxbannaanida ay u leedahay maamulka waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalami ah ee dhanka xuquuqul insaanka.
Qaraarkan ayaa meesha ka saaraya habkii hore ee lagu maareyn jiray arrimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya, gaar ahaan soo magacaabista khabiir madaxbannaan oo QM ah oo dalka ka shaqeyn jiray tan iyo 1993-kii, taas oo hadda laga tanaasulay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabadan inay tahay guul taariikhi ah oo muujineysa kalsoonida caalamku ku qabo dowladnimada Soomaaliya, iyo dadaallada dowladda ay ku hormarineyso ilaalinta xuquuqda aadanaha.
“Waa tallaabo muujineysa in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegtay masuuliyadda ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay horay ugu guuleysatay arrimo muhiim ah sida qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta, iyo ku biirista ururo gobolka ah sida East African Community (EAC).






