MUQDISHO [SMN] – Sida ay ku waramayaan Ilo Xog-ogaal ahi Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho Ninka Lagu Magacaabo Amb Kubai Iringo waxayna u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarkii shalay uu Nairobi ku tagay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo waxaa shalay soo cagadhigatay Diyaarad qaas ah oo halkaasi ka qaaday Madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna Talaabadaasi caro ku beertay Dowladda Soomaaliya oo xayiraad dhanka Socdaalka ah horey ugu soo rogtay Hogaamiyaha ay is hayaan DFS ee Axmed Madoobe.
Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Warqada loo gudbiyay Safiirka Kenya ee Muqdisho Mr Kubai Iringo looga dalbaday inuu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo oo ku saabsan “Tallaabada ay Dowladda Soomaaliya sharci darada ku tilmaamtay ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Kubai Iringo u sheegtay in Diyaarada Qaaska ah ee Qaaday Axmed Madoobe ay dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay” Sida lagu yiri warqada cabashad ah.
Safiirka Soomaaliya Kubai Iringo ayaa laga sugayaa in uu Jawaab ka bixiyo Eedeymaha ay usoo jeedisay Dowladdiisa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ayaa labaduba xiriirka isku jaray horey kadib markii uu soo Kala dhexgalay khilaaf ku saabsan doorashadii ka dhacday Jubaland ee lagu doortay Axmed Madoobe.