DOOLOW (SMN) – Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.
Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.
Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.
Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad-ku-wada-noolaanshaha. Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa inaysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madaxbannaanida Soomaaliya.