Dowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay arrinta xafiiska UNSOM

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore ku guuleysatey in dalka deynta laga cafiyo, cunaqabateynta hubkana laga qaado, kadib markii la dhameystiray hannaankii barnaamijyadaasi looga baahnaa.

 

Waxaa dhanka kale haatan socda hannaanka soo afjarista Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo soo socday muddo ka badan 15 sanno, lana filayo in 31-ka December ee sannadkan 2024-ka la soo gabagabeeyo.

In laga guul gaaro hannaanka fulinta barnaamijyadan waxaa door weyn ka qaatey Hawlgalka Qaramada Midoobay, oo Soomaaliya garab taagnaa tan iyo markii ay colaadaha la dilaaceen Soomaaliya.

Maadaama ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhinacyo badan leh ayaa Dib u Eegis ay sameysay Qaramada Midoobay laba sanno ka hor waxaa ku xusnaa in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM loo rogo qaab joogitaan oo la mid ah waddamada kale ee caalamka, afka qalaadna lagu yiraahdo (Country Team).

Hannaankaasi ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu Soomaaliya u jiheynayaa dhabbada dal caadi ah oo dimoqraadi ah oo si buuxda uga soo kabtey caqabadihii la soo gudboonaadey.

Haddaba Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka duuleysa natiijada Dib u Eegista Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa dhowaan warqad lagu dalbanayo qaabka loo fullinayo barnaamijkaasi u dirtay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa isku afgartay in Xafiiska UNSOM uu noqdo mid arrimahiisa ammaanka iyo siyaasadda lagu aamino dowladda Soomaaliya.”

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi oo sii hadlaya ayaa yiri, “Ujeedka ugu weyn ee warqadaha kasoo baxay dowladda ee ku socda Xafiiska UNSOM wuxuu ahaa in dowladda Soomaaliya  howlaheeda madax-banaanaato.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here