Dowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay dagaal beeleedka Galgaduud

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Cabdow Xaydar oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleedka dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud.

 

Cabdikariin Cabdow Xaydar ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka, si looga hortago dhiig mar kale ku daato halkaasi.

“Waxaan qaadayna talaabooyin deg deg ah si aan u joojino dhiiga shacabka ee ku daadanaya Galgaduud” ayuu yiri Cabdikariin Cabdow Xaydar.

Halkan hoose ka dhageyso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here