Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgallo ka socda Hiiraan

0

MUQDISHO (SMN) – War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay haatan ka wadaan deegaano hoostaga degmada Buulo-Burtde ee gobolka Hiiraan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kuna agagaarka deegaanka Beero Yabaal  ee gobolkaasi.

“Howlgalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen goobo ay si dhuumaalaysi ah isugu abaabulayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku yaala deegaanadaas” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale Abaanduulaha Ururka 41-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Laba Xiddigle Cabdirashiid Jeelow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyay weerarkaasi, wuxuuna sheegay inay ka qayb ka ahayeen diyaarado dagaal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cagta-mariyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha uu sida uu xoogan u socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waana halka uu ka billowday kacdoonka haatan ka socda gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here