Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay arrinta duulimaadyada K/Galbeed

0

MUQDISHO (SMN) – War ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inaysan jirin isbeddal ku yimid duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba.

 

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbeddel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba:.

Warka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa imanaya markii saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya in uu hakad ku yimid duullimaadyadii Muqdisho iyo Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here