MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada Somaliland ee beri dhaceysa.
Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa marka hore boggaadiysay doorashada tooska ah ee Somaliland, waxayna guul u rajeysay shacabka iyo hoggaanka maamulkaas.
Sidoo kale wasaaradda ayaa ka dalbatay guddiga doorashada inuu xaqiijiyo inay gacan ammaan ah ku jirto doorashada, si looga hortego qalalaase iyo fowdo.
Halkan hoose ka akhriso:-