Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeyn ka dhacday Puntland + Khasaaraha

0

QANDALA (SMN) –  Ciidanka qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda Daacish ka fuliyay gobalka Bari.

 

Howlgalka oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxaa jab loogu geystay maleeshiyada Daacish oo halkaas isku uruursaneysay.

Qoraal kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu sheegay inay dib ka faaf-faahin doonto khasaaraja dhabta ah ee duqeyntaasi lagu gaarsiiyay kooxda Daacish.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore dowladda federaalka ay sheegtay in howlgal ka dhacay buuraha Calmadow ay ku dishay 20 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan saddex hoggaamiye, waxaase beeniyay howlgalkaasi Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here