Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan Ceerigaabo

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kadib markii ay shalay ku dagalaameen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeyesan.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay xaaladda kasoo korortay halkaasi, waxayna ku baaqday in la joojiyo dagaalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay diyaar u tahay inay qaadato doorka kaga aadan xallinta colaadda ka taagan degmada Ceerigaabo iyo deegaanada u dhow.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxay diyaar u tahay in ay ka gaysato wax alle wixii kaga aadan sidii loo heli lahaa xal waara oo ku dhisan wada-hadal iyo is-faham” ayaa lagu warsaxaafadeedka.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here