Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartey duqeymo lala eegtay Daacish

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Howlgal Militari oo iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay deegaanada Buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari, ee Puntland.

 

Howlgalkani ayaa ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay, waxaana lagu xoojinayay hawlgallada joogtada ah ee ciidamada Daraawiishta Puntland, kuwaasoo horey uga go’aan qaaday inay ka saaraan argagixisada Daacish gobolka.

Howlgalka ayaa weli soconaya, iyadoo lagu baarayo khasaaraha ka soo gaaray Daacish. Sida uu sheegay saraakiil ka tirsan dowladda, waxaa socda tirakoobka iyo qiimeynta dhaawacyada iyo khasaaraha soo gaaray kooxda ISIS.

Faahfaahin dheeri ah ayaa lagu wadaa in laga soo saaro howlgalkaan markii uu dhammaado, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa si wadajir ah u muujiyay go’aankooda ah in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta si looga hortago kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo ISIS, iyo in lagu gaadho guulo waaweyn oo amniga iyo xasilloonida dalka.

Howlgalka hadda socda ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxahan khatarta ku ah amniga Soomaaliya iyo gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here