MUQDISHO (SMN) – ๐๐๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐๐ฟ๐บ๐ฎ๐ฑ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป oo maanta ku kulmay x๐ฎ๐ฟ๐๐ป๐๐ฎ D๐ต๐ฒ๐ ๐ฒ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐โ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ (๐ฆ๐ผ๐๐ ๐) ayaa shacabka Soomaaliyeed markale ugu baaqay in ay ka qeybqataan gurmadka shacabkii waxyeellada ka soo gaartay qarixii Liido.
Kulankaan waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ahna Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle, Ganacsato, Ururka Haweenka Qaranka iyo Culumada Soomaaliyed.
Guddigaan ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeybtooda ka qataan gurmadka loo sameynaayo shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Liido, waxaana guddiga uu u mahadceliyay Golaha wasiirada XFS oo xalay lacag Nus Milyan dollar ah ugu deeqay ehelada dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-