Turkiga oo war cusub kasoo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

0

ANKARA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo markii Seddexaad loogu balan sanyahay Ankara.

 

Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan kaas oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya.

Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaaday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo lagu soo xadgudbay Midnimada iyo Madaxbanaanida Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here