Dowladda UK oo cafisay dhammaan deymihii ay ku laheyd DF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda UK ayaa cafisay dhammaan deymihii ay ku laheyd dowladda Soomaaliya.

 

Arrinkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo ay maanta wadayeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiir kuxigeenka UK ee Soomaaliya Mudane Sam Thomas, kulanka oo saacado qaatay kadib ayaa Safiir Sam waxa uu shaaciyay in uu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda XFS in Dowladda UK ay cafisay dhammaan daymihii ay ku leheyd Dowladda Soomaaliya 100%.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah oo Soomaaliya u soo hoyatay taas oo daba socota go’aankii ay dhawaan gaareen Wadamada ku bohoobay ururka Naadiga Paris, go’aankaas ayaa dhigayay in Dowladda Soomaaliya ay wadahadalo gaar gaar ah la qaadato dalalka Paris Club, si loo sii dhameystiro cafinta deymaha ay lee yihiin dalalka qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here