Duqa Kismaayo Cumar Faraweyne oo farriin u diray Dowladda Soomaaliya

0

KISMAAYO, Soomaaliya – Duqa magaalada Kismaayo, Cumar Faraweyne, ayaa maanta si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubaland, isagoo sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud aysan Jubaland u arkin hoggaamiye wax dhisaya, balse uu ka yahay eedeysane arrimo siyaasadeed iyo amni oo ka jira gobolka.

 

Cumar Faraweyne ayaa dowladda federaalka ku baaqay inay si dhab ah u qiimeyso xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Jubaland, una istaagaan xal iyo wada shaqeyn dhab ah oo horseeda nabad iyo horumar gobolka.

Waxa uu farriin cad u diray dowladda Soomaaliya, isagoo ku adkeystay in Jubaland aysan aqbali doonin wax kasta oo dhib ku ah midnimada iyo nabadda deegaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here