Duqa magaalada Muqdisho oo kulamo ka wada magaalada Qaahira + Sawirro

0

QAAHIRA (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha Hey’adda UN-HABITAT ee Qaarada Afrika Mudane Oumar Sylla.

 

Kulanka ayaa loogu hadlay iskaashiga Maamulka Banaadir iyo Hey’adda Deegaamaynta Qaramada Midoobay (UN-HABITAT), iyadoona si gaar ah diiradda loo saaray in laga shaqeeyo arrimaha casriyeynta Maamulka dhulalka, nidaamka dhismooyinka iyo Maaraynta Qashinka oo si casri ah loo wajaho.

Duqa Muqdisho iyo wafdi heer Gobol ah oo uu hogaaminaayo ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar u jooga ka qaybgalka Shirweynaha Madasha Magaalooyinka Aduunka (WUF12) oo diirada lagu saarayo dejinta yoolalka horumarinta waara, Magaalaynta iyo xakameynta caqabadaha hadda jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here