Duqa magaalada Muqdisho oo xarigga ka jaray xarun muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  ayaa xalay  xarig jaray xarunta Dad-dhigista dowladda hoose Xamar ee degmooyinka qeybta Bari oo laga hirgaliyay degmada Yaaqshiid, xaruntas oo loogu adeegi doono dadweynaha kunool degmooyinkaasi.

 

Munaasabadan xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee maamulka Gobolka, maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay howlaha ay waaxda Dad-Dhigista soo kor dhisay iyo horumarinta lagu sameeyay adeegyada ay bulshada siiso.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here