Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay cabashada Bajaajleyda

0

MUQDISHO (SMN)  – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan lagu dar-dargelinayo dadaalada lagu xalinaayo Tabashada kasoo yeertay dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta la qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Marwo Fardowsa Cusmaan.

 

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Agaasimayaasha Guud Wasaaraddaha Gaadiidka & Duulista Hawada XFS, Wasaaradda Maaliyadda XFS, Wasaaradda Amniga XFS, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ayaa diirada lagu saaray sidii dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta loogu fududeyn lahaa adeegyada ay ugu baahan yihiin Dowladda, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal duruufo kala gedisan ku shaqeeya.

Madaxda shirka ka qeyb-gashay ayaa garowshiyo ka muujiyay tabashada dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, iyadoona la isla qaatay in sida ugu haboon loogu fududeynayo adeegyada ay wadayaasha Mooto Bajaajta ugu baahan yihiin Dowladda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here