MUQDISHO [SMN] – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay booqday qaar kamid ah xarumaha Ganacsiga ee ku yaala Caasimadda si uu ugu kuurgalo Amniga iyo horumarka balaaran ee Magaalada kajira.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir oo dhankiisa wax ka iibsanayay goobihii uu booqday ayaa ku dhiiragaliyay Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay laf dhabarka ugu yihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo bilicda Magaalada islamarkaana ay dalkooda u maalgashteen.
Guddoomiye Amiir waxaa booqashadaan ku wehlinayay Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Gaashaanle Sare Cabdifitaax Shaaweeye.
—DHAMMAAD—