Duqa Muqdisho oo kulan la xisaabtan ah la yeeshay guddoomiyeyaasha Hodan iyo Howlwadaag

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan.

 

Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarrada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag,.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay labada maamul dardargelinta adeegyada loo haayo bulshada, la dagaalanka maandooriyaha, anshax xumada, nadaafadda iyo in laga fogaado musuqa.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here