Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay saraakiisha laamaha amniga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalad Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Ujeedka shirkan ayaa ahaan dardar-gelinta amniga Caasimadda, si loo adkeeyo nabad-gelyada, loogana hortago weerarada Al-Shabaab.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kalw goobjoog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, taliyaha NISA ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale saraakiisha ciidanka Military Police.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horreyn warbixin Amniga quseysa ka dhageystay saraakiisha kulanka ku sugneyd.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha kor loogu qaadayo sugida amniga iyo la dagaalankan Maandooriyaha.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here