Duqa Muqdisho oo la kulmay danjira Ruushka u fadhiya Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov.

 

Duqa Muqdisho ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Ruushka booqashada uu ku yimid Aqalka dowladda hoose ee Xamar, Dadaalkiisa ku aadan xoojinta xiriirka labada shacab, iyo doorka Dowladda Ruushka ee garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Mikhail ayaa bogaadiyay horumarada ka socda Caasimadda Muqdisho, asigoona dhankiisa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonnaan arrimaha Bini’aadanimada, Horumarka Magaalada Muqdisho, Iskaashiga iyo isku xirka labada Caasimadood.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here